Nin iyo wiil ayaa hor socda teendhooyin liimi ah

Iskaashiga Horumarinta

Marka lagu daro ururada xubnaha ka ah, Shabakadda Soomaaliada Finland (Finnish Somalia Network) waxay fuliyaan mashaariic horumarineed oo kala duwan oo laga fuliyo dhammaan gobolada Soomaliya iyo Geeska Afrika.

Sanadka 2023 Ururka shabakada Finishka iyo Soomalida ee Finland waxa ay biloobayaan sadex mashruuc oo laga fulin doono Soomaliya. Shabakada, ururada xubin ka ah shabakada, ururada dalka jooga iyo jaamacada Hämeen ammattikorkeakoulu (HAMK) ayaa si wada jir ku fulin doona mashaariicdaas. Mashaaricda waxaa ku wada jira ururo aan horey u wada shaqeynay iyo ururo cusub oo ay hadda ugu horeyso wada shaqeynteena. Waxaa lagu soo daray mashaariicda deegaamo cusub oonan horay looga fulin mashruuc ay shabakada ku jirtay. Sadexda mashaariic waxay xooga saarayaan horumarinta xirfadeed iyo waxbarashada oo la kobcinayo. Shaqo abuurka dhalinyaradana xoog ayaan saareynaa.

Mashruuca – Himilo

Mashruuca – Kaabe

Mashruuca – Kobciye

 

Marka lagu daro ururada xubnaha ka ah, Shabakadda Soomaalidada Finland (Finnish Somalia Network) waxay fuliyaan mashaariic horumarineed oo kala duwan oo laga fuliyo dhammaan gobalada Soomaaliya iyo Geeska Afrika.

Hadafka Shabakaddu waxaa kale oo uu awoodda saarayaa sidii loo fududayn lahaa howlaha shaqo ee ay wadaan bulshada rayidka sida ka shaqaynta nabadda iyo mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya iyo Geeska Afrika.

 

 

Mashaariicdaan waxaa ka qeyb qaadanaya Min 3 urur oo ka howlgala Finland, iyo min Sadex Urur oo ka howlgala deegaanka.

Mashaariicdaan waxeey ka shaqeynayaan qeebaha kala duwan ee bulshada, gaar ahaan ilaalinta deegaanta, hooyada iyo dhalaanka, iyo Shaqo u buurista dhalinyarada.

Mashaariicdan waxaa maal geliyay wasaaradda arrimaha dibadda ee Finland, halka Somalia Network iyo Ururada Xubnaha ka ah ee ay Mashruuca wada Fulinayaan ay ka mas’uul yihiin Maamullidda mashruuca iyo bixinta 15 % Mashruuca ku baxaysa oo ay soo uruurinyaan Ururada Mashruuca la fulinaya Somalia Network. 

Kalkaaliso ayaa caawineysa hooyooyin

Koox rag ah oo dhulka engegan ku foorarsatayLaba dumar ah oo geedo geedo ah haysta